Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Xildhibaanada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xarunta Madaxtooyada Afur sharfeed Ugu sameeyay Xildhibaanada Galmudug.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, wasiirada Galmudug, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada JFS. Waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd mahadcelin iyo xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Barlamaanka.

Madaxweynaha ayaa Gollaha Barlamaaka ugu mahadnaqay gudashada waahibkoodii dastuuriga ahaa ee kalsooni siinta Golaha wasiirada iyo meelmarinta Barnaamijka Xukuumadda cusub.

Madaxweynaha ayaa xusay in goggoshii dib-U-hesiintu wali furantahay isla markaana uu diyaar u yahay qancinta cidkasta oo qabta tabasho macquul ah.

Kulanka oo la isku dhaafsaday tallooyin wax dhisaya ayaa ku soo dhaamaaday guul iyo is fahan.

Exit mobile version