Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in calaamadaha cudurka Coronavirus ay ku jiraan magaalada.
Waxay kaloo sheegeen inay magaalada ku dhinteen dad badan,kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha Covid-19 inkastoo shaybaar ahaan aan loo xaqiijin inay cudurkaasui u dhinteen.
Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuuraani oo ah agaamisamaha isbitaalka Baraawe ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay Magaalada Baraawe ay kusòo bateen dad u dhimanaya Calaamadaha Cudurka COVID-19.
Agaasimaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay geeriyoodeen ilaa 34 Ruux oo lagu arkay calaamado ay kamid yihiin Neefqabasho iyo xanuun daran oo kamid ah calaamadaha Coronavirus.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay u qeylo dhaamiyeen markii ay badatay dhimashada Magaalada Baraawe,isla markaana la soo gaarsiiyey qalab looga hortago COVID19

