Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dr Fuje oo ku baaqay la dagaalanka Cudurka Covid 19

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa mar kale ku celiyay inay muhiim tahay in dhallinyaro iyo waayeel loo wada istaago dagaalka looga hor tegayo khatarta cudurka COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Waxaa uu sheegay in Cudurka Corona Virus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay  in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid 19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.

Waxaa  sheegay in Cudurka uu saameyn weyn ku yeeshay shaqaalaha caafimaadka, isla markaana haddii uu cudurku soo rito tiro badan aan loo heyn isbitaallo iyo dhaqaatiir midna.

Exit mobile version