Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in tiro hor leh oo Cudurka Covid-19 oo gaaraya 44-Qof maanta la helay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 9-ka mid ah 44-Qof ee laga helay cudurka Corono Virus ay yihiin Dhedig, halka 35-kale ay lab yihiin,waxaana cudurka ka bogsaday 4-Qof,3-kalena waa ay geeriyoodeen.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480-ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaarayaan 26-Qof.

