Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir Beyle” Wax soo saarkii dalka hoos ayuu u dhacay”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee FGC oo markii ugu horesay loo qabtay habka online ah, iyadoo ay jirto caqabadaha xanuun ka COVID-19.

Kulanka ayaa looga ka dooday sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha, iyadoo lagu guda jiro xiligaan adag ee Adduunka oo dhan uu saameeyay Coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay ka go’antahay hagaajinta hannaanka Dowlad-Wanaaga.

“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faa’iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Hey’adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

 

 

 

 

 

Exit mobile version