Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen ilaa Shan Tuulo oo ku dhow deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaas oo la sheegay inay la wareegeen.
Deegaannada ay ciidanka dowladda howlgalka kula wareegeen ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka Buulo urunji, Malable, Siigaale, iyo Busleey,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayey.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ka howlgalla Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu yimid,kadib markii ciidanka ay kawar heleen in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanadaas,isla markaana ay ku dhaqaaqeen.
Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ila Ciidamada ay kala wareegayaan degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale oo ay aad ugu xoogan yihiin Al-Shabaab.

