Tartanka Euro 2020 waxaa dib loo dhigay muddo hal sanno ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus.
Guddiyada kubadda cagta ee Yurub ayaa go’aankaasi ku gaaray shir degdeg ah oo muuqaal ay ku yeesheen oo ay Talaadadii ka qeybqaateen madaxda ay arrintaasi khusayso.
Tartanka oo la qaban lahaa inta u dhaxaysa 12 Juun ilaa 12 July ee xagaagan ayaa haatan waxaa dib loogu dhigay in la ciyaaro 11 Juun ilaa 11 July sanadka soo socda.
Dib u dhigista ayaa waxa ay fursadsiinaysaa horyaallada Yurub ee haatan la hakiyay in si caadi ah ay u dhammeystirmaan.
Markii dib loo dhigay ciyaaraha Euro ayaa Uefa haatan waxa ay ka baaraandagaysaa wixii ay ka yeeli laheyd Koobka Haweenka ee Yurub kaas oo lagu waday inuu ka dhaco waddanka Ingiriiska 2021 bilaaban lahaana 7 July.
Koobka Nations League iyo tartanka Yurub ee ciyaartoyda ay da’dooda ka yar tahay 21 ayaa sidoo kale la qorsheeyay in la qabto xagaaga soo socda.

