Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland oo mamnuucday Dharka Huudheyda si looga hortaggo CoronaVirus

Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidanka Booliiska maamulka Puntland  oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa shaaciyay  in degaannada Puntland laga mamnuucay dharka loo yaqaan Huudheyda ee horay loo soo isticmaalay.

Waxaa uu sheegay  in ay tallaabo ka qaadaan Ciidanka Booliska cid kasta oo xuduudaha Puntland soo gelisa dharka Huudheyda ah, islamarkaana ay gubaan haddii dharkaas ay gacanta ku dhigaan.

Exit mobile version