Kulankii Manchester City Premier League ay la ciyaari lahaayeen Arsenal ayaa dib loo dhigay iyadoo laga taxaddarayo dhowr ciyaartoy oo Gunners ah in laga heli karo xanuunka coronavirus ka dib markii milkiilaha kooxda Olympiakos Evangelos Marinakis oo uu ku dhacay xanuunka ay la kulmeen.
Arsenal ayaa sheegtay in Marinakis oo 52 jir ah uu la kulmay tiro kamid ah ciyaartoydooda markii Gunners ay martigelisay kooxda reer Greek ciyaar katirsaneyd Europa League labo isbuuc ka hor.
Marinakis – oo sidoo kale leh kooxda heerka labaad ee Nottingham Forest ayaa Talaadadii la sheegay inuu qabo xanuunka coronavirus.
Olympiakos ayaa martigelin doonta Wolves khamiista Europa League ka dib markii Uefa ay diiday dalabkii Wolves ee ahaa in lugta hore ee wareega 16ka dib loo dhigo.
Horyaalka Premier League ayaa sheegay inaysan heysan wax qorsha ah oo dib loogu dhigayo kulamada kale “dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ahna waa la qaaday”.
Brighton ayaa gurigooda sabtida kula ciyaari lahaa Arsenal “waxaa loo qorsheeyay ciyaartaas in dib loo dhigo”.
Khatarta ayaa loo arkaa mid aad u hooseysa marka la fiiriyo waqtiga katantiika ciyaartooyda Arsenal oo ku eg Khamiista.
Qiyaasta saxda ah ayaa muujineysa in 382 xaaladood oo ah fayraska Carona laga helay gudaha Boqortooyada England iyadoo lix qof ay u dhinteen.
Cudurka, oo sababi kara qandho, qufac iyo dhibaatooyin neefsasho ah, ayaa ku faafaya adduunka oo dhan, wuxuuna hore u saameeyay in ka badan 116,000 oo qof.
Wuxuu saameyn ku yeeshay dhacdooyinka isboorti ee adduunka oo dhan, iyadoo horyaalka Talyaaniga ee Serie A la hakiyey, haka dhamaan ciyaarihii horyaalka heerka koowaad ee Faransiiska iyo Spain albaabada loo xiray.
Kulamada Yurub oo ay ku lug leeyihiin Manchester United, Rangers iyo Chelsea ayaa maalmaha soo socda lagu qaban doonaa garoomo albaabada loo xiray oo ku yaala Austaralia iyo Jarmalka, laakiin tani waa ciyaartii ugu horeysay ee Ingariiska loo baajiyo cabsi laga qabo Caronavirus.
Dib u dhigista ayaa la macno ah in hogaamiyaasha Premier League Liverpool aysan ku guuleysan karin horyaalkoodii ugu horeysay tan iyo 1990kii.
Liverpool ayaa loo caleemo saari lahaa horyaalka haddii City ay guuldarro ka soo gaarto Arsenal kulanka garoonka Etihad Stadium ka dibna ay sabtida qasaaro kale kala kulanto kooxda Burnley.
Arsenal ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxdu la galiyay karantiil kadib markii ay la kulmeen milkiilaha kooxda Olympiakos ciyaarta kadib.
Si kastaba ha noqotee, waxaan si adag u raacaynaa xeerarka dowladda ee soo jeedinaya in qof kasta oo xiriir dhow la leh qof qaba fayraska inuu iskiis ugu go’doomo guriga muddo 14 maalmood laga soo bilaabo markii ugu dambeysay ee uu la kulmay qof qaban xanuunka.
Natiijo ahaan, ciyaartoydu diyaar uma ahan kulanka caawa ee Manchester City Premier League-na waxay go’aansadeen in ciyaarta dib loo dhigo.
Ciyaartoyda qaar iyo afar ka mid ah shaqaalaha Arsenal, oo u dhawaa Mr Marinakis intii ay ciyaartu socotay ayaa iyaguna gurigoda kusii sugnan doona muddo 14ka maalmood ah.
Muddada 14-ka maalmood ah ayaa ku eg Jimcaha, waxayna kooxda Arsenal sheegtay inay “isha ku hayaan” ciyaartoy ku soo laabanaya shaqada ka hor kulankooda Premier League ay la ciyaarayaan Brighton Sabtida, 14ka Maarso.
Saynisyahannada ayaa xaqiijiyey inay qaadaneyso celcelis ahaan shan maalmood in calaamadaha xanuunkaan la arko.
Kooxda ayaa sheegtay inay usoo celin doonto taageerayaasha tikidhadooda sidoo kalena ay la xiriireyso shaqaalaha kale ee Arsenal ama martida kale ee la wadaagay maqaayadda Milkiilaha qabay xanuunka inta lagu jiray ciyaartii 27kii Febraayo.
“Waan fahamsanahay inay arintan u horseedi doonto dhibaato iyo qarash ka baxay taageerayaasha qorsheynaya inay soo xaadiraan ciyaarta laakiin Arsenal, Manchester City iyo Premier League ayaa isku raacay in ogeysiis gaaban la bixiyo kadib xanuunkii laga helay Mr Marinakis.
Illaa iyo hadda, kubada cagta maxalliga ah UK kama raacin wadamada kale ee reer Yurub dib u dhigista kulamada, iyagoo qabanaya ciyaaro caadi ah, ama ay ka soo qeyb galayaan taageerayaasha.
Dhamaan ciyaaraha isboorti ee dalka Talyaanigu waa la joojiyay ugu yaraan ilaa 3 Abriil sabab la xiriirta qatarta coronavirus, laakiin tani kuma jiraan kooxaha Talyaaniga ama kooxaha qaran ee ka qeyb gelaya tartamada caalamiga ah.
Lugta hore ee Manchester United wareega 16ka Europa League ay la ciyarayaan LASK khamiista ayaa lagu ciyaari doonaa garoon albaabada loo xiray, sidoo kale kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League Chelsea iyo Bayern Munich 18ka Maarso ayaa albaabada loo xiri doonaa.
Wolves lugta hore ee wareega 16ka Europa League ee ka dhici doonta Olympiakos khamiista ayaa sidoo kale lagu ciyaari doonaa garoon faaruq ah, sidoo kale lugta labaad ee Rangers ay la ciyaari doonaan kooxda Bayer Leverkusen 19ka March ayaa albaabada loo xiri doonaa.
Uefa ayaa diiday codsigii Wolves ee ahaa in dib loo dhigo ciyaartii ka dhaci alheyd Griiga kadib markii mulkiilaha kooxda Greece laga helay xanuunkaan
“Waxaa jira waxyaabo ka muhimsan kubada cagta,” ayay lagu yiri qoraal kazoo baxay Wolves.
Caafimaadka wanaagsan guud ahaanba bulshada ayuu muhiim u yahay.
“safarka wuxuu ku keenayaa qatar aan loo baahneyn ciyaartoydeena, shaqaalaheena, taageerayaasheena iyo qoysaska dhamaan kuwa safraya, waqtiyadaas xasaasiga ah iyo kuwa aan la hubinba xaladooda ayay kutiri bayaankeeda Wolves.
Wolves ayaa intaas ku dartay: “Waxaan welwel ka qabnaa kooxaha naga soo horjeedda, oo ciyaartoydooda iyo shaqaalahooda maanta la tijaabiyey, waxaana haatan la rajeynayaa inay doorkooda ka ciyaaraan kulan muhim ah, marka loo fiiriyo duruufaha adag ee viruska,
Xukuumadda Griiga ayaa ku dhawaaqday Axaddii in dhammaan munaasabadaha isboortiga laga joojinayo tageerayaasha labada toddobaad ee soo socta.
Kooxda reer Spain ee Getafe ayaa lagu soo waramayaa inay diidan yihiin inay u safraan dalka Talyaaniga si ay ula kulmaan kooxda Inter Milan kulankooda khamiista ee Europa League.

