Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka aduunka ayaa sheegtay in dadka wax tahriibiya ay si kas ah badda u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Yemen ay ugu daadiyeen dad ka badan 180 qof.
Hay’adda socdaalka aduunka ee loo yaqaano I.O.M ayaa sheegtay in dadkaasi maanta badda lagu daadiyay.
Meydadka 5 qof ayaa la helay 50 kalena waa lala’ yahay, sidoo kalena sidoo kale tiro kale oo badan ayaa lasoo badbaadiyay.
Shalay ayay aheyd Markii Hay’adda socdaalka aduunka ay sheegtay in ka badan boqol iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah in lagu qasbay inay isku tuuraan badda.
Inta badan dadkii tahriibayay ee saarnaa doonta ayaa lasoo sheegayaa in ay u badnaayeen dhallinyaro, kuwaasi oo ku haminayay in ay tahriib ku gaalaan waddamada Carabta iyaga oo sii maraya Yaman.

