Laamaha amniga ayaa ka hortagay 13 weerar oo ka dhici lahaa UK, tan iyo 2013-kii, waxaa sidaa sheegay sarkaalka ugu sareeya laanta la dagaallanka argagixisada.
Ku xigeenkiisa Mark Rowley ayaa dhankiisa sheegay in xilli kastaa ay socdaan 500 oo baaritaanno oo ka dhan ah argagixisada.
Wuxuu arrintan daaha ka rogay xilli uu billaabayay mashruuc cusub oo ah la dagaallanka “argagixisada”, wuxuuna shacabka ka codsaday inay gudbiyaan wixii ay ka shakiyaan.
Wararka laga helay shacabka ayaa gacan ka geystay intabadan baaritaannada la sameeyay, sida booliska UK ay sheegayaan.
DAAWO: Tababar ku saabsan sida la isu badbaadiyo haddii weerar argagixiso uu dhaco
Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dadweynaha ay ku lug lahaayeen ka hortagga qaar ka mid ah 13-ka weerar ee la fashiliyay.
Tiradan cusub waxay ka badan tahay middii la shaaciyay bishii October ee sanadkii tagay.
Sida shacabka ay gacanta uga geysanayaan arrinta ayuu ku tilmaamay “mid aan caaadi ahayn oo xad dhaaf ah”.
Mr Rowley wuxuu intaa ku daray: “Qaar ka mid ah wararka shacabka soo gudbiyaan waxay la xiriireen is bedello dhanka dabeecadda qofka ah iyo dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay”.
“Qaar ka mid ah akhbaarta dadku soo gudbiyeen waxay sababeen in la bilaabo baaritaan wax ku ool ah”, ayuu yiri.
Wuxuu BBC-da u sheegay Rowley, in shacab badan ay ka qeybgaleen baaritaanada.
