Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday in xabsiga la dhigay ku dhawaad 300 oo ka mid ah ilaalada madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
ilaalada qaarkood ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay ee lagu qaaday dalka Turkiga.
Taliyaha madaxtooyada dalka Turkiga ayaa sheegay in ay xiriir la leeyihiin dadka la xiray kooxdii inqilaabka ka dambeysay.
Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay kumanaan qof tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.
