Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen Ajendaha kulanka inuu yahay aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.
Kulan xildhibaanada ay Isniintii ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen ilaa dhowr Ajande, waxaana ahmiyad gaar ah la siiyey akhrinta labaad hindisa sharciyeedka wax ka badalka sharciga guud ee Hanti Dhowrka Qaranka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo la rajeynaayo in kulumada soo aadan ay wax ka badal ku sameyn doonaan sidaasna ay ku ansixin doonaan.


