Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib, sidaasi waxaa baahisay wakaalada wararka ee ku hadasha Afka Dowladda Soomaaliya.
SONNA ayaa sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeyntaasi ay khasaaro lixaad leh gaar siisay Wariyeyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaas xiliga duqeyntu dhacday ku sugnaa xarunta.
Magacyada wariyaayasha ka howgali jiray Idaacadda la burburiyay ayaa lagu kala sheegay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.
Shalay ayay Saraakiisha Militariga Soomaaliya sheegeen in duqeyn ka dhacday Magaalada Bu’aale ay ku dileen afar Wariye oo ka tirsan Al-Shabaab.
Shabaab dhankooda ma aysan ka hadal warkaan tibaaxaya in xarun Idaacadeed laga burburiyay wariyayaalna laga dilay.



