Jose Mourinho ayaa heshiis seddex sanno ah oo kumkacaya £ 16m ugu dhaqaaqi doona Manchester United. ( Daily Express)
Ciyaaryahankii hore ee Portugal iyo Chelsea Deco ayaa sheegay in Mourinho farxadii Old Trafford uu soo celin doono haddii loo magacaabo shaqada tababrnimo. (Squawka)
Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa siin doona £ 130m tababaraha cusub – iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe Bayern Munich Arturo Vidal, oo28 jir ah, iyo daafaca 21-sano jir ah Everton John Stones ay ugu horeeyaan liiska kooxda la keenayo. (Sun)
Blues ayaa sidoo kale ku dhow inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba,oo 22 jir ah, kaasoo ku kici kara £ 85m. (Tuttosport via Metro)
West Ham ayaa ku dhow inay dalab geesinimo £ 15m ka gudbiyaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain,oo 22 jir ah. (Brentwood Gazette)
Si kastaba ha ahaatee, Oxlade-Chamberlain ayaa laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaaredkan xili uu xulkiisa isku diyaarinayo Euro 2016 sabab la xiriirta dhaawac jilibka ka soo gaaray kulankii Gunners guul darada ay kala kulantay Champions League Barcelona. (Daily Mail)
Tababaraha kooxda Newcastle Steve McLaren ayaa kooxda sii heyn kara ciyaaryahanka khadka dhexe ee Cheick Tiote, oo 29 jir ah, iyo weeraryahanka Papiss Cisse, oo 30 jir ah, kuwasoo dalabyo ka helay shiinaha (The Sun)
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Memphis Depay, oo 22 jir ah, ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa Old Trafford guuleysan doono. (Times – Times)
United ayaa la gaartay heshiis xiddiga Benfica qadka dhexe kaga ciyaara ee Renato Sanches, oo 18 jir ah. (Record via AS)
Tababaraha kooxda Valencia Gary Neville ayaa ku dhow inuu heshiis labo sanno ah oo cusub u saxiixo kooxda Mestalla Stadium – (Mirror)


