Tababaraha qaranka Italy Antonio Conte ayaa wadahalo kula jira Kooxda Arsenal waxaana heshiiskiisa Stamford Bridge lasoo gaba gabeyn doonaa 10-ka maalin ee soo socota (The Guardian)
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa garabka Leicester Riyad Mahrez xidigan 25 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa £25m (The Sun)
Weeraryahanka Barcelona Neymar, oo mudo dheer lacag qaali ah ay ku dooneysay Manchester United, ayaa qalinka ku guduugay heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2021. 24-jirkaan ayaa heshiiskiisi hore uu dhacayay 2018 (ESPN Brasil)
Kooxda Chelsea ayaa la xariirtay wakiilka Edinson Cavani, iiyadoo dooneysa in 29-jirkaan qaranka Uruguay ay kasoo iibsato kooxda uusan ku faraxsaneyn ee Paris St-Germain, waxaase imaashihiisa Stamford Bridge dhibaato ku ah Man United oo dooneysa (Express)
Kooxda Blues ayaa dhanka kale qorsheyneysa nolol uu ka maqan yahay captan John Terry, waxaana ay £30m ku dooneysaa 21-jirka daafaca dhexe ee kooxda AC Milan Alessio Romagnoli (Daily Mirror)
Tababaraha mustaqbalka ee Manchester City Pep Guardiola ayaa rajeynaya inuu Chelsea ku garaacosaxiixa 19 jirka lagu qiimeeyo £24m ee kooxda Ajax Riechedly Bazoer kaas oo ay sidoo kale Barcelona dooneyso (Daily Mirror)
kooxda City ayaa dhanka kale rajeyneysa iney Man United kaga adkaado saxiixa xidiga West Ham Reece Oxford, oo 17 sano jir ah (The Sun)
Qadka dhexe ee kooxda Newcastle Cheick Tiote, oo 29 sano jir ah ayaa la filayaa inuu ku biiro horyaalka CHINA daqiiqadaha ugu danbeeya ee maanta oo jimco ah oo uu suuqaas xirmi doono (Daily Mail).
Kooxda Arsenal ayaa rajeyneysa iney Newcastle kala soo wareegto goolhaye Freddie Woodman, oo 19 jir ah iyo garabka Roland Aarons, oo 20 jir ah, kuwaas oo heshiiskooda uu dhamaanayo xili ciyaareedkan (Express)
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Michael Carrick, ayaa iska diiday dalab uga yimid horyaalka China, 34 jirkaan ayaa doonaya inuu heshiis cusub usaxiixo kooxda ka dhisan Old Trafford (Daily Mirror)
Dhanka kale kooxda Manchester United ayaa isha ku haysa iney lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Barcelona Marc Bartra, waxaana ay miiska saari doontaa lacag dhan £10m (The Sun)
Ugu danbeyn kooxda Tottenham ayaa rajeyneysa iney Napoli kala soo wareegto weeraryahanka 24 jirka ah ee Lorenzo Insigne, xidigan ayaase la fahansan yahay in lagu heli karo lacag dhan £18m (Daily Mirror)


