Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo saakay xiran

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa saakay oo Khamiis ah xiran qaar ka tirsan Isgoysyada ku teestsan wadada Wadnaha sida Isgoysyada Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii ghoreysay oo xalay aheyd waxa ay xireen wadooyinkan iyo sidoo kale Isgoyska Tarbuunka.

Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.

Hay’adaha ammaanka oo aan la xiriinay ayaan weydiinay sababta wadooyinkan loo xiray, waxayna inoo sheegeen in arrimo amni darteed iyo amar ay ka heystaan saraakiisha ay u xireen wadooyinkan.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya dhaqamada sanadihii dambe ku soo kordhay ayaa ah wado hada iyadoo furan shacabka isticmaalayeen mar kaliya la arko iyada oo xiran oo gaadiidka loo diidayo, iyadoo aysan ogeyn shacabka sababta wadada loo xiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay sheegay in aanay jiri doonin wado la iska xiro, balse taas mid ka duwan ayaa hada muuqata, waxaan wadooyinka qaar la iska xiraa maalinkii laba jeer.

Exit mobile version