Toos u Daawo Munaasabadda Musharaxnimada Axmed Qoor Qoor

Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota Munaasabadda ku dhawaaqista Musharaxa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ),taas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin kala duwan.

Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa munaasada ku dhawaaqista Musharaxnimadiisa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda,Xildhibaano, Wasiiro,Siyaasiyiin,Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.