Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Hargeysa-RisaalaFM- Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay soo xirmeen goobaha cidbixinta haatanna ay socoto tirinta codadka.

Guddigu ma sheegin xilliga ay tirintu dhammaanayso, waxaa la filayaa inay maalmo qaadato inta looga dhowaaqayo natiijada doorashada.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay doorashadu u dhacday si nabad ah.

In ka badan 1600 goobood ayaa laga codeeyey, waxaana la filayaa in dadka usoo baxay inay codkooda dhiibtaan ay badnaayeen.