Tababaraha Sporting Lisbon Silas ayaa lagu soo waramayaa inuu cadaadis saarayo xiddiga aadka loola xiriirinayo Man United ee Bruno Fernandes, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu xiddigiisa xisaabta ugu jiro ilaa dhamaadka fasalkaan.
Silas oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa doonaya in Bruno Fernandes oo ah kabtanka kooxda uu sii joogo isla markaana uu ka saacido iney kooxda tartan xoog leh u gasho hanashada horyaalka.
Bruno Fernandes waxaa si weyn loola xiriirinayay Man United dhamaan bisha January, wuxuuna isbuucii hore u muuqday mid ka dagi kara garoonka Old Trafford ka hor inta aysan labada kooxood isku fahmi waayin lacagaha.
Labada kooxood waxey isku fahmi waayeen dhanka lacagaha, Sporting Lisbon waxey dooneysaa iney hesho 70 Malyan oo Pound, halka Red Devils ayba kusii dhawaaneysay kaliya 50 Malyan oo Pound.
Silas waxaa la weydiiyay hadii bishaan January uu kooxdiisa ka baxayo Bruno Fernandes, bale wuu awoodi waayay inuu jawaab muuqata ka bixiyo.