Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Barcelona Luis Suarez ayaa aminsan in xirfadiisa kubadda cagta dad badan ysan iloowi Karin mustaqblkiisa dhanka xun ee uu leeyahay.
Xiddigan 29-sano jir ah ayaa ku guuleystay Champions League, La Liga iyo Copa del Rey tan iyo markii uu ku biiray Barcelona 2014.
Laakiin ka hor inuu u dhaqaaqin Barcelona, waxaa la ganaaxay muddo afar bilood ah kadib markii uu qaniinay daafaca Italia Giorgio Chiellini koobkii aduunka.
“Waan ogahay inay xusuusan doonaan dad badan waxyaalaha xun ee aan sameeyey oo aanan bedeli karin, laakiin waxaan doonayaa in la xusuusto kuwa wanaagsan, ” ayuu u sheegay Daily Mail.
Suarez ayaa ku biiray Liverpool bishii Janaayo 2011 isagoo mar la ganaaxay markii uu qaniinay ciyaaryahan isagoo katirsanaa Ajax.
Xiddiga reer Uruguay ayaa ku guuleystay marti sharaf gaar inta uu mustaqbalkiisa Anfield kujiray, laakiin sidoo kale waxaa lagu ganaaxay 10-kulan markii uu qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic.
Sidookale waxaa la ganaaxay sideed kulan markii cunsurinimo kula kacay daafacii Manchester United Patrice Evra.
Si kastaba ha ahaatee, sanadkisii ugu horeyay ee Barcelona wuxuu ahaa mid shabaqa soo taabray finalkii ugu horeeyay ee Champions League uu u ciyaaray kooxdiisii cusubeyd oo 3-1 ku garaacday Juventus magaalada Berlin.
“Waxaan ahan nin xun, ciyaaryahanka ugu xun adunka, sida ay aaminsna yihiin dadka i dhaleeceya oo dhan, ” ayuu yiri.
“Mar walba waxaa jira fursad aan ku faani karo xaqiiqda oo dhan ,waxaan had iyo jeer dib u helay mustaqbalkaygii ugu wanaagsanaa sida aan aaminsanahay.”
Mar la weydiiyay wax ku saabsan mustaqbalkiisa, Suarez ayaa yiri “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan sii joogo ,sannado badan ,lakiin haddii aan ku labanayo Premier League, waxaan jeclaan lahaa. Kaliya inaan ku biiro Liverpool. ”
Luis Suarez: Xusuusnow daqiiqado wanaagsan, ha ku qaniinay