Soomaaliya & Kenya oo ka wada hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa waxaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Taliyaha ciidanka dalka Kenya

Ugu horeyn taliye Odowaa  ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya, waxaana intaasi kadib uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Kenya Iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka kulanka ayaa looga wada hadlay wada shaqaynta iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Ugu danbeyn Taliyaha CIidanka Xoogga Dalka ayaa Dowlada iyo Ciidanka kenya uga mahad celiyay dhiiga ay ciidankooda u dadinayaan amnaga iyo xasiloonida Soomaaliya.