Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfa oo magaalada Khartoum uga qeybgalay shirka heer Wasiir oo ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka ku bahoobey Urur-gobolleedka IGAD ayaa halkaasi ka bilaabey kulamo kala duwan.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka isu socodka dadweynaha iyo ganacsiga gobolka,waxaana Wasiirka uu kulan dooceed la qaatay dhiggiisa Suudaan, Lena el-Sheikh Omer Majhoub.

Kullanka ayaa inta uu socday waxaa labada mas’uul ay diiradda ku saareen xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, iyadoo mas’uuliyiinta ay ku dheeraadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Wasiir Sadiiq Warfaaf ayaa inta uu ku sugan yahay Magaaada Khartoum ee dalka Suudaan waxaa uu kuamo kala duwan la qaadan doonaa Xubnaha Wasiirada ka socda dalalka IGAD ee Shirkaasi ka qeyb galay.