SAWIRO:-Xisbiyada Madaxweynayaashii hore oo Isbaheysi Cusub ku dhawaaqaya

Magalada muqdisho waxaa haatan uu shir uga socdaa Madaxda Xisbiyada HIMILO Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Midowga iyo Horumarka ee UPD Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xisbiyo kale, iyaga oo ku dhawaaqaya Isbaheysi ay ku midoobayaan.

Madaxda Xisbiyadaan ayaa la filayaa inay goorshow la hadlaan Warbaahinta,isla markaana ay ku dhawaaqaan Isbhayesi ay ku mideysan yihiin,waxaana xubnahaan ku jiray marka lag reebo Madaxweynayaasha Siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh Soomaaliya.

Xisbiyada isbaheysiga ku dhawaaqaya oo kala ah Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays ayaa horay waxaa ay u lahaayeen xiriir dhow, iyaga oo soo saari jiray War-Saxaafadeedyo ay ku dhaliilayaan hab-dhaqanka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadana ayaa dad badan waxaa ay u arkaan mid ay ku muujinayaan saameynta Siyaasaded ay leeyihiin iyo ismuujinta iyo u diyaar garow doorashada 2021 si ay loolan adag ula galaan Madaxda Dowladda Federaalka oo laga yaabo inay tartamaan.