SAWIRO:-Xildhibaannada Jubbaland oo ka hadlay Go’aankii dowladda Federaalka

Kulan ay Maanta Magalada Kismaayo ku yeesheen Xubnaha Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen Go’aankii dowladda Federaalka ee ku aadanaa in Diyaaradaha aada ama ka yimaado Kismaayo inay soo maraan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa kulankooda waxaa ay sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaado duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka ugu daran soo gaartay  dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa.

Ugu dambeyn Xildhibaannada ayaa soo hadal qaaday xariga ay dowladda Federaalka u geysatay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur,waxaana dowladda ay ka dalbadeen in xurriyadiisa la siiyo Wasiirka.