SAWIRO:-Wasiirka Cadaaladda Somalia oo la kulmay Wafdi ka socda QM

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka DFS  Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehlinayeen wasiirka Cadaaladda KG Maxamed Deeq Nuur Cabdi iyo Saraakiil ka socotey Wasaarada Maaliyada ayaa Magalada baydhabo waxaa ay kula meen wafdi ka socda QM.

Xubnaha ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen suurtagalnimada tayeynta iyo dhisida laamaha Garsoorka Koonfur Galbeed, taas oo aheyd u jeedka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya uu u tegay Magalada Baydhabo.

wasiirka Cadaaladda KG Maxamed Deeq Nuur Cabdi ayaa wafdiga u sheegay in wax badan ay ka qabteen baahiyihii Garsoor ee ka jirey KGS sidoo kalena ayku guuleysteen joojinta Dhulal sifo sharci daro ah lagu bixinayey.

Waxa uu sidoo kale hadalkisa intaasi ku daray in Wasaaradda ay ku howlan dardargelinta iyo Horumarinta hanaanka Caddaaladda iyo Garsoorka Koonfur Galbeed.