Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigayay qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magalada Ceerigaabo,waxana ay ka dambeysay,kadib markii duleedka degmadaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo kuwa uu wato Col, Caare oo horay uga goostay Cidamada Soomaaliland.
Barqanimadii Maanta ayaa waxaa deegaanada dhoob iyo Biya gaduud ee bariga gobolka Sanaag uu dagaal khasaaro geystay ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo kuwa uu wato Col, Caare,taas oo keentay in dadka ay banaanbax dhigan.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay taayaro ku gubeen qeybo ka mid ah wadooyinka mara Magalada Ceerigaabo, iyaga oo wadooyinka qar xiray,isla markaana u diiday inay Gaadiidka isticmaalaan,waxaana la sheegay in Shacabka ay taageerayaan Col, Caare.
Wararka haatan naga soo gaaraya Magalada Ceerigaabo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay degan tahay,isla markaana isku socodka dadka iyo gaadiidka ay dib u bilaabmeen,kuwaas oo u istaagay banaanbixii dhacay.



