Sanbaloolshe oo loo magacaabay Taliyaha NISA & Duqa Muqdisho oo xilka laga qaaday

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka (NISA), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Abaan Duulaha Ciidanka iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta la magacaabay, waxaana xilalkii laga qaaday kuwii hore.

Taliyaha NISA, ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyadoona xilkaasi laga xayuubiyay Taliyihii hore ee NISA, General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi laga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa loo magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyadoo xilkaasina laga xayuubiyay General Maxamed Aadan Axmed (Buud).

Abaan Duulihii Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar oo xil ka qaadis lagu sameeyay, ayaa booskiisii loo soo magacaabay General C/laahi Cali Caanood.

General C/xakiin Daahir Saciid, ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ka dib markii xilkaasi laga qaaday General Xaamud.