Rabshado sababay khasaare dhimasho ah oo ka dhacay Ceelwaaq

Ceelwaaq-RisaalaFM– Wararka aan ka heleyno Ceelwaaq Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta halkaasi ay ka dhaceen rabshado sababay khasaare dhimasho ah.

Rabshadahan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii maanta ciidanka Kenya ay degaanka Dabacity oo hoostaga degmada Ceelwaaq ay ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday.

Inta ay rabshadahani socdeen ayaa waxaa rasaas ay fureen ciidanka Kenya ku dhaawacmay wiil Soomaaliyeed, kaasi oo ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay ee ku yaalla Ceelwaaq Kenya.

Intaasi kadib shacab careysnaa ayaa Baangad ku dilay nin dhaqtar ahaa oo isbitaalka joogay iyo laba qof oo kale, kuwaasi oo Kenya ka soo jeeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in hada xaaladu ay tahay mid degan, balse shacabka ay muujinayaan cabsi.