Qiimaha tikidhida garoonka Liverpool oo la dhimay kadib dibad bixii taageerayaasha.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa burburinayaa muran dhanka tikidhada ah ee ay qabaan taageerayaasha kooxda kadib markii ay ka qeyliyeen qiimaha £ 77 ah.

Arinkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii taageerayaal katirsan kooxda dib bax ay dhigeen todobaadkii lasoo dhaafay.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa 77 daqiiqo ciyaartu marka ay soctay istaagay garoonka Anfield iyagoo ka cabanaya qiimaha sare ee tikidhada oo ah £ 77.

Tikidhada cusub ayaa hadda la iibin doonaa £ 59, qiimaha hadda ay iibiso Liverpool tikidhada waa xilli ciyaareedkii ugu sarreeya abid in lacag intaa la eg lagu iibiyaa.

Milkiilaha Liverpool John W Henry, Gudoomiyaha Tom Werner iyo Madaxweynaha FSG Mike Gordon ayaa soo saaray go,aankan kadib buuqa taagerayaasha.