Puntland oo Hay’addaha Caalamiga ah kala hadashay kororka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan xog waran ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Covid19 la qaadatay hay’addaha caalamiga ah qaarkood.

Kulankaan waxaa ka qaybgalay agaasima waaxeedyada wasaaradda iyo madaxda iyo wakiilo ka socday hay’addaha caalami ah.

Madaxa xogta wasaaraddda uu la wadaagay xogtii ugu danbeysay ee xanuunka Covid 19 taas oo ay ka muuqato sara-ukac uu sameeyay xanuunka bishii hore iyo bishan.

Kadib waxaa la isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii la iska kaashan lahaa xanuunka oo degaannada Puntland maalmihii la soo dhaafay laga helay kiisas farabadan