Puntland oo Amar dul-dhigtay Milkiilayaasha Hotelada Gobolka Mudug

Wareegtadii labaad ayaa isla Maanta kasoo baxday xafiiska  Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur taas oo ku socota Milkiilayaasha Hotelada ku yaalla degmooyinka Gobolka Mudug.

Milkiilayaasha Hoteelada ku yaalla degmooyinka Gobolka Mudug  ayaa lagu amray in Hoteeladooda ana lagu qaban Karin  Shirar aysan ka warqabin Maamulada degmooyinka Gobolka Mudug.

Sidoo kale Amarkaan ayaa waxa la ogeeysiiyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Mudug,waxaana la faray inay amarkaan dhagan geliyaan.