Nuxurka war-murtiyeedka Wada hadalkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Burundi ayaa  si diiran loogu soo dhweeyay isaga iyo Wafdi uu Hogaaminayo islamarkaana  la kulmay Dhiggiisa dalkaas Evariste Ndayishimiye,

Madaxweyne Xasan sheeekh iyo Madaxweynaha dalka Burundi ayaa ka wada hadlay Arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta  iskaashiga  Xiriirka labada dal  ka dhexeya iyo la dagaalnaka Alshabaab .

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalkaas ee magaalada Bujumbura eecaasimada dalka Burundi.

Sidoo kale,  kulanka ay yeesheen Madaxweyne Xasan sheekh iyo Dhiggiisa dalkaas ayaa laga soo saaray war murtiyeed  qodobada looga hadlayna  waxaa ka mid ah:

labada Madaxweyne waxa ay yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna  adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha dalka Burundi Evariste Ndayishimiye, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,uga mahadceliyay  booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalka uu  ugu jiro ka shaqeynta nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka  Soomaaliya.