Napoli, Celtic, Sevilla Iyo Olympiacos oo Guulo Muhiim Ah Gaareen Isreeb Reebka Champion-ka

Waxaa xalay  la cayaaray kulamo ka tirsan isreeb reebka Champions League qaybta Play Off-ka loo yaqaan waana heerkii ugu dambeeyay ee qaybta Guruubyada loogu gudbaayo .

Kooxaha Napoli, Celtic, Sevilla iyo Olympiacos ayaa guulo muhiim ah gaareen lugta kowaad kulamada isreeb reebka xalay la cayaaray.

Napoli ayaa 2-0 ku dhaaftay naadiga Nice ee dalka France ka dhisan kulankaan ka dhacay San Paolo waxaa Napoli goolasha u dhaliyeen Dries Mertens daqiiqadii 13-aad iyo Jorginho oo rigoore dhaliyay daqiiqadii 70-aad.

Nice qaraasha ay qabto ayaa ah in kulankaan labo cayaaryahan casaan laga siiyay Vincent Koziello iyo Alassane Plea kuwaas oo lugta labaad todobaadka dambe seegi doonaan.

Kooxda Celtic ayaa qaaday talaabo weyn oo ay qaybta Guruubyada ugu gudbi karaan madaama 5-0 ku xaaqeen naadiga FC Astana waxaana kulankaan labo gool dhaliyay Scott Sinclair.

Kooxda Sevilla waxay guul muhiim ah kusoo gaartay dalka Turkiga cayaar ay 2-1 kaga soo badiyeen naadiga Istanbul Basaksehir.

Ugu dambeyntii naadiga  Olympiacos waxay guul dhib badan 2-1 ka heshay naadiga Rijeka ee Croatia ka dhisan sidoo kalena kooxda

Hapoel Beer Sheva ee dalka Israel ka dhisan waxay 2-1 ku dhaafeen naadiga Maribor oo Slovenia ka socotay.