Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka cabsaneynin in laga ceyriyo shaqadiisa ka dib markii ay Bournemouth kaga badisay xalay 3-0.
Chelsea ayaa haatan wajaheysa dagaalka booska afaraad, waxaana shaki badan laga qabaa mustaqbalka tababaraha Talyaaniga ee hogaamiya kooxda.
Laakiin Conte ayaa yiri: “cadaadiska waa wax caadi ah tababare ahaan, Waa caadi haddii aad tahay tababaraha Chelsea inaad culeys wajahdo, Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan kooxda ku badbaadin karo.
“Waxaan doonayaa kooxdan heerka ugu sareeya inaan gaarsiiyo, Laakiin haddii qof uusan raali ka aheyn waxa socda waa heshiis gaar ah inaan galno.
“Waa inaan aqbalaa xaalad kasta, Aad ayaan u raaxeysanayaa, Waan ogahay inaan shaqo fiican qabanayo” ayuu yiri Conte.
Chelsea ayaa xalay guuldarro xanuun badan kala kulantay kooxda Bournemouth, waxaana xiriirka ka dhaxeeya maamulka kooxda iyo tababaraha Talyaaniga uu gaaray heerkii ugu xumaa.



