Man United ayaa dib u soo ceshatay goolhayaheeda amaahda kaga maqnaa ee Dean Henderson kaidb markii ay dhaawacyo soo gaareen goolhayeyaashii kooxdaasi ee David De Gea iyo Sam Johnstone.
De Gea ayaa isaga is dhaawacay xiligii is kululeysiga ee ka horeeyay kulanki ay kooxdiisa ceebta kala kulantay kooxda yar ee ree Denmarka ee FC Midjyland halka Sam Johnstone uu hore u dhaawacnaa sidoo kalena goolhayaha kooxda da’yarta ee Joel Castro Periera uu ka xaniban yahay koobkaan maadaama uu us oo ciyaaray Rochdale halka uu Valdes amaah kaga maqan yahay waxaana kaliya u haray Sergio Romero kaasoo u baahan badal.
Taas ayaa keentay Henderson ay dib uga yeeraan amaahdii uu kula joogay kooxda Stockport County inkastoo ay amaahdiisa ku ekeyd ilaa dhamaadka xili ciyaareedkaan.
War rasmi ah oo aay soo saartay United ayaa lagu yiri “Waxay kooxda cadeyneysaa iney dib u soo ceshatay goolhaye Dean Henderson kadib dhaawicii soo gaaray David De Gea, soo celinta Dean waxaa sabab u ahaa maadaama Joel Castro Periera uusan u ciyaari karin kooxda koowaad kadib markii uu hore ugu soo ciyaaray FA Cup ka kooxdii uu waqtiga kooban amaahda kula joogay ee Rocholede, Sam Johnstone uu dhaawacmay, Valdes na uu amaah ku baxay”.


