Tababaraha Leicester City Claudio Ranieri ayaa hoos u dhigay dhawaca soo gaaray Riyad Mahrez intii lagu jiray kulankii ay guusha ka gaareen koxda watford.
Mahrez ayaa dhaliyay goolkii guusha daqiiqadii 56aad- Leicester ayaana shan dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa Premier League, laakiin waxa uu lagu qasbay inuu garoonka dhaawac kaga baxo shan daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta Mahrez.
Laakiin nasiib wanaag, Leicester, tababaraheeda Ranieri ayaa sheegay in dhaawaca Mahrez uu yahay mid fudud, oo jeex aan laheyn.
“Waxaa jira dhaawac,” Ranieri ayaa sheegay TV ciyaarta ka dib, lakiin ma ahan mid weyn, waxaan qiimeyn doonaa waxa dhaqaatiirtu noo sheegayaa ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhawaca Mahrez ayaa dhabar jab ku noqon kara kooxda , Leicester oo hami ka leh ku guuleysiga Horyaalka England.


