Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Magacaabay Taliye Ciidan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Hirshabeelle, iyada oo maamulkaas uusan laheyn Ciidamo daraawiish u gaar ah.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilka Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle loogu Magacaabay G/Sare Cali Idiris Cusmaan, iyada oo xilkaas laga qaaday Gen. Cali Cabdi Salaan Axmed.