Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo lagu soo dhaweeyay degmada Cadale

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada taariikhiga ah ee Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal, xubnaha labada gole ee Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degamada Cadale.

Madaxweyne  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa inta uu joogo degmada cadale waxa uu kalamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.