Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo booqday degaano laga saaray Al-Shabaab

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqday degaannada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere  iyo Warciise oo dhowaan laga saaray  Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan degaannada laga saaray Shabaab, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada waxa uuuna kala hadlay muhiimada howlgalada socda, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee ka dhanka ah Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ka xureeyaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo Al-Shabaab.