Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano oo gaaray Gaalkacyo

Waxaa Goordhow gaaray Magaalada Gaalkacyo wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga Xildhibaanada ah ayaa ka tagay Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah Senator Cabdi Xasan Cawaale qeyb diid.

U jeedka ay u taageen Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedyadda ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.