Liiska 50-ka tababare ee ugu fiican kubbada cagta Adduunka oo la soo saaray

Qiimeyntaan ayaa waxaa lagu daabacay Shabakad ka faaloota Arrimaha ciyaaraha oo lagu Magacaabo France Football, waxaana lagu soo bandhigay liiska ilaa 50 Tababare oo ah kuwi ugu fiican Adduunka.

50-ka  Tababare ayaa waxaa ku jira Macalimiin Caan ka ah Dunida  oo ay ka mid yihiin Rinus Michels, Arsene Wenger, Sir Alex Ferguson, Jose Mourinho iyo Macalimiin kale.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in tababarayaasha ugu waaweyn Caalamka ay kaalmaha hoose kaga jiraan qiimeyntaas, sida in macallinka haatan ee Liverpool Jurgen Klopp uu ka sarreeyo tababare Arsene Wenger.

Hoos Ka Akhriso Liiska iyo Magacyada tababarayaasha ugu wanaagsan ee la soo bandhigay.