Kulamo looga hadlayo dilalkii ka dhacay Baydhabo oo bilaawday

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa kulan ku yeeshay Guddigii xaqiiqo raadinta ee uu dilalkii ka dhacay Baydhabo u Magaacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii xal awara looga gaari lahaa shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo 9kii Bishaan Agoosto  2019  taasi oo ay ku dhinteen dad tiradooda ay gaaraysay ilaa iyo 8 Ruux.

kulanka ayaa inta uu socday waxaa la isku dhaafsaday sidii beelaha dirirey ee walaalaha ah loo heshiin lahaa loona heli lahaa deganaansho iyo ka wada shaqayn amni si aan fursad u helin dadka kasoo horjeeda jiritaanka dowladnimo.

xildhabaanadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda sido kale amaanay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed cCabdicasiis Xasan Maxamed (lafta gareen) sida dowladnimo ee uu magacaabay guddi isugu jira Wasiiro,sarakiil Ciidan Maamul gobol iyo degmo oo ka shaqaynaya sidii xaqiiq loo heli lahaa,waxayna tilmaameen in taasi ay keeni karto isku dhowansho iyo u horseedida hanaanka dowladeed ee kaso ifaya deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shaqaaqadii ka dhacday Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa dadkii lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsado Caanka ahaa deegaannada Koonfur Galbeed, kaas oo lagu Magacaabi jiray Cali Aadan Marguus.