Kooxo Hubeysan oo Nabadoon ku weeraray Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dhaawaceen Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo ka mid ah Waxgaradka Puntland ugu Caansan.

Labo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay Nabadoonka ay ku weerareen Xabado ka dibna ay Carareen.

Weerarka ayaa ka dhacay Agagaarka Hotelka Yasmiin ee Magaalada Boosaaso.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa lagu dabiibaya Isbitaalka Weyn ee Magaalada Boosaaso.

Kooxihii Weeraray Nabadoonka ayaa baxsaday sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.