Kooxda Juventus oo heshiis la galeysa Ciyaaryahan Eriksen

Kooxda Juventus ayaa la sheegay inay weydiisatay qadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen inuu usoo dhaqaaqo Turin marka uu dhaco qandaraaskiisa 2020.

In ka yar hal sano ayaa ka harsan qandaraaskiisa, Eriksen ayaana soo jiidanaya indhaha kooxaha Yurub, halka Spurs ay sidoo kale u furan tahay inay iska iibsio

Si kastaba ha noqotee, sida ay haatan tahay, kooxaha ayaa ku dhibtoonaya inay heshiis la gaaraan gudoomiyaha Spurs Daniel Levy, kaasoo weli raadinaya inuu ugu yaraan £ 60m ka helo iibinta xiddiga reer Denmark.

Taasi waxay suurtogal ka dhigi kartaa inuu Eriksen ka tago xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado kooxda isagoo xor ah.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda Juventus ayaa durbadiiba wax ka weydiisay qorshaha 27-jirkan u degsan mustaqbalka, ka hor inta aysan isku dayin inay heshiis la gaaraan ciyaaryahanka bisha Janaayo.

Kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa dhowaanahanba suuqa kaqaadaneysay ciyaaartooyda xorta ah ee ka ciyara Premier League, waxaana ay hore ula soo wareegeen Emre Can iyo Aaron Ramsey – oo Liverpool iyo Arsenal usoo ciyaaray.