Kolpp: “Mamadou Sakho kuma qanacsaneen badalkii xalay lagu sameeyay”

Jurgen Klopp ayaa qiray in Mamadou Sakho uu san ku raacsaneyn isaga in la bedelo kulankii final League Cup ay ku wajaheen kooxda Manchester City Wembley.

Daafaca dhexe ee kooxda ayaa la bedelay daqiiqadii 25aad ka dib markii ay isku dhaceen isla xiddiga Reds Emre Can kulankii qasaaraha 3-1 rigoore-da ah looga badiyay.

Inkastoo dhawac uu ahaa hadda Klopp, ayaa sheegay inn Sakho uu doonayay inuu sii ciyaaro ka hor inta aan lagu bedelin Kolo Toure.

Xiddiga reer France ayaa la fahmi karay in uusan rabin inuu ka baxo Fianlkiisii ugu horeeyay ee Wembley, laakiin Liverpool ayaa dooratay in la bixiyo.

“xaalada go’aan ka anaga ayaa laheyn,” Klopp ayaa yiri.

“Xilligii nasashada wuxuu, yiri waxaan jeclaan lahaa inana sii ciyaaro.