Khasaarihii ka dhashay Qaraxyo iyo Iska hor imaadyo ka dhacay Muqdisho.

Labo qarax oo si xoog badan loo maqlay ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaan xigay rasaas toos ah.

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaano barxada iskaashatooyinka ee u dhaxeysa guriga hooyooyinka iyo hotelka SYL, waxaana xigay  iska hor imaad toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday.

Intaasi ka dib waxaa qarax kale oo weyn uu ka dhacay darbiga  Beerta Nabada gaar ahaan dhinaca Hotelka Muno, ka dibna waxaa sii xoogeestay dagaalka tooska ah inkastoo haatan ay xaaladu dagantahay.

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday weerarkaan in ka badan 10-ruux waxaana haatan la sheegayaa in dhaawucu uu ku sii dhowyahay 30-ruux oo kale.

Saraakiisha dowlada ayaa goor dhow shaaciyay in weerarkaan la soo afjaray ka dib markii la dilay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaan waxaana ay sheegeen inay weerareen hotel SYL oo ku yaala ka soo horjeedka madaxtooyada Soomaaliya.