Kala qeybsanaan soo kala dhexgashay musharrixiintii mucaaradka Jubbaland

Iyada oo Maanta Magalada Kismaayo ay ka dhacday doorashada Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam & doorasho ay sameeyeen musharixiinta Mucaaradka,isla markaana ay Madaxweyne u doorteen xildhibaan Xidig ayaa waxaa doorashada ku kala qeyb samay qar ka mid ah musharixiinta mucaaradka.

Sheekh Maxamed Shakuul oo kamid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa kasoo horjeestay doorashada maanta dib loogu doortay Axmed Madoobe iyo midda kale ay mucaaradka ku doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig,doorashooyinkas oo dhamaantood ka dhacay Magalada Kismaay.

Isaga oo u waramayay idaacadda BBc-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in uu ad uga xun yahay in Maanta Magaalada Kismaayo ay kasoo baxaan laba Madaxweyne ee lagu kala doortay Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig.

Waxaa uu ku baaqay,isaga oo sii hadlayay  in wadahadallo lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland,taas oo Maanta dad badan ay siweyn u hadal hayaan.

Hadalka Maxamed Shakuul ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka musharraxiinta mucaaradka ay sheegeen inay iyagana ay madaxweyne u doorteen Cabdirashiid Xidig.