Jubbaland oo musharixiinta ka mamnuucday inay hub ku dhex qaataan Kismaayo

Wasaaradda Amniga Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa  Awaamiir culus ka soo saartay hubka lagu dhex qaato magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaraddu ay masuul ka tahay Amniga guud
ahaan dadka Jubbalad maadaama la gelayo doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka loona baahan yahay in la sugo Amniga Caasimadda KMG ah ee Magaalada Kismaayo, si sare loogu qaado la dagaalanka dadka halista ku ah Amniga .

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa mamnuucday in Musharaxinta iyo Ergooyinka cod bixinta ay gudaha magaalada Kismaayo
hub ku dhex wataan, balse kaliya loo ogol yahay laamaha Amniga u xilsaaran iyo ilaalada Madaxda iyo Masuuliyinta kuwaasoo hubka loo ogol yahay marka ay la socdaan Madaxda oo keliya.

” Hadaba waxaan faraynaa dhammaan laamaha Amniga in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Askarta hubka wadata ee aan waajibadkooda shaqo kujirin, lana soo wadaagan Wasaaradda Amniga Jubbaland, sidoo kalena aan  la bixin karin hubka la qabto ilaa ay kasoo talo bixiyaan Guddiga amniga.