Daafaca Arsenal Gabriel Paulista ayaa ku soo laabtay Brazil si uu tijaabada daawayn ah u helo.
Daafaca dhexe ayaa waxaa hadda uu lamaqan yahay dhaawac muruqa ah isagoo seegay kulankii ay guusha ka gaareenkooxdiisa Leicester todobaadkii la soo dhaafay.
wuxuu ku soo laabtay kooxda Vitoria oo uu hore ugu soo ciyaaray, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013,si uu daaweyn ugu helo dhibaatadiisa.
Gabriel ayaa u ciyaaray 16 jeer xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Arsenal kadib markii Gunners uu kusoo biiray bishii January ee sanadkii hore.


